Saturday, 26 March 2011

TAHNIYA AROOS

 TAHMIYAD AROOS  CEYDIID ABDINUUR IYO FAADUMO MOHAMED ABDI


reer abdi nuur shiiq cismaan 



  • aabe ahmed nuur shiiq cisman
  • hooyo shukri ahmed casir
  • cawil abdi nuur shiiq osman
  • nasteho abdi nuur shiiq osman
  • mohamed abdi nuur shiiq osman
  • ismail abdi nuur shiiq osman
  • samiiro abdi nuur shiiq osman
  • jamal abdi nuur shiiq osman
  • malyuun abdi nuur shiiq osman
  • najmo abdi nuur shiiq osman
  • nicmo abdi nuur shiiq osman
  • siid cali abdi nuur shiiq osman
  • cabas abdi nuur shiiq osman
  • maniiro abdi nuur shiiq osman
  • sucaado abdi nuur shiiq osman
REER AHMED NUUR SHIIQ CISMAN 

  • aabe ahmed nuur shiiq cisman 
  • hooyo ardo gelle abdulle 
  • hooyo luul ali araale 
  • saciido ahmed nuur shiiq cisman
  • saciid ahmed nuur shiiq cisman 
  • ubax ahmed nuur shiiq cisman 
  • faadumo ahmed nuur shiiq cisman
  • xuseeun ahmed nuur shiiq cisman
  • xassan ahmed nuur shiiq cisman 
  • sabriin ahmed nuur shiiq cisman 
  • ifrah ahmed nuur shiiq cisman 
dhamaan dadkaan aan ku soo xusnay waxeey meeshaan  tahniyad aroos uga dirayaan  arooska iyo aroosada kale ah  CEYDIID ABDI NUUR    & FAADUMO MAHAMED ABDI   oo aooorskoodu ka dhacay CEELASHA BIYAHA taarikhda markii ey aheyd 22/march/2011 waxeyna leeyihiin wiil iyo caano gabar iyo caano noqda labadii isku waaro ubad qyer leh kale halee   aamiin amiin  AROOSKA WAXAA AGAASMA KA AHAA    IYO DJ BA    YOUNG AKHI <  AKRAM SHIEKH ABA NUUR



Thursday, 10 March 2011

shir weyne oo xalay ka,dhacay magalada mombasa shirkaan waxaa iskugu yimid dhalinyarada beesha QUBEYS iyo dhalinyarada beesha SALEEBAAN

shir weyne oo xalay ka,dhacay magalada mombasa shirkaan waxaa iskugu yimid dhalinyarada beesha QUBEYS iyo dhalinyarada beesha SALEEBAAN shirkaani ayaa looga hadlaayay colaadaha ka,taagan deegaanadeena. shirkaan ayaa waxuu ka,dhacay hoolka weyn ee NEW PALME TREE ee magalada mombasa shirkana oo ahaa markii ogu horeesay oo la,qabto mid ceynkaan oo kale ah ayaa waxaa ka,soo baxay bayaanaadkaan soo socdo,,,,

TIXRAACA HISHIISIIN LABA BEELOOD OO WALAALO AH
Kadib bur burkii dowladii militariga 1991 xaaladii dalka waxeey gashay fowdo qas iyo jah wareer waxaa umadi la soo gudboonaaday dhibaatooyin fara badan dagaalo sokeeye bur bur hantiyeed mid guud iyo mid gaar ahaaneedba . 
Intaas ka,dib ayan waxaan go,aansanay in aan dhax galno dhibaatooyinka ka,dhacayo deegaanadeena .in aan ka,qeeb qaadano joojinta dagaalada sokeeye ,iyo in aan joojino ,dhiiga daadanayo,hantida bur bureeso,iyo in aan abuurno is dhaxgal, wada noolaansho ,is aaminid, iyo is ixtiraam labada bulsho 
Ujeedooyinka aan higasnayno 
Ka,dib falanqeen iyo wada tashi aan ku sameenay kulan aan sameesanay ayaan waxaan u aragnay in aan sameeno qodobada soo socdo si aan u gaarno hishiis labada beelood ee walaalaha ah .
1: isku xirid iyo wada sahqeen labada dhaliyaro ee ka,soo jeedo labada beelood ee reer Mombasa.
2: isku xirid iyo wada shaqeen odoyaasha ka,soo kala jeedo labada beelood ee ku nool magalada Mombasa 
3: qabasho shir weyne loo wada dhanyahay ,dhamaan dhalinyarada, odoyaasha, ka,soo kala jeedo labada beelood ee Mombasa 
4: isku xirid iyo wada shaqeen dhalinyarada, odoyaasha labada beelood ee ku,nool Nairobi
5: qabasho shir weyne loo wada dhanyahay dhamaan dhalinyarada ,odoyaasha, labada beelood ee kunool dalkan Kenya 
Mabaadii'da 

isaaminid
daacadnimo
cadaalad
ixtiraam
wacyogilin
howlkarnimo

Waxaa ku saxiixan warqadaan:

1:hajir adam xuseen
2:axmed cali geedi
3:max,ed farax gedi
4:caydiid c/lahi yusuf
5:c/lahi abdi muxumed 

Wabilaahi tawfiiq……………………..

Wednesday, 9 March 2011

Tahniyad meher Ah oo Ay Dirayan Jaaliyada beelweynta Qubeys

Abdi samaad Hussein Mahamed iyo Sahro Macalin Maxamed oo uu maher koodu ka dhacay magalada muqdisho ee dalka somaliya.ayago kala joga dalka india iyo uk''
Dhamaan dhalin yarada Beelwenta  Qubeys waxay tahniyad udirayaan Abdi Samad Hussein Mahamed iyo Sahro Macalin Maxamed oo uu maher koodu ka dhacay magalada muqdisho ee dalka somaliya tariikhdu markay ahayd 2011-03-7 


Waxayna alle uga baryayaan kuwii isku waara ubad khayr qabana kala hela Amiin Amiin Amiin

Wednesday, 23 February 2011

WAR BIXIN U SOO .SARAY GUDOMIYAHA DHALINYARADA QURBO JOOGTA BESHA SURRE

Shir balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada qurba joogta Surre ayaa xalay ka dhacay Paltalk,
xalay oo ay taarikhdu ahayd 12 feb waxaa shir balaran uu ka dhacay aalada casriga ah ee Paltalk kulankan oo in muda ahba la sugayay waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada
sida aqoonyahano,culimaa'udiin, iyo waxgarad kale oo dhamaantoodba lagu soo casumay shirkan,
kulanki xalay oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyarada qurba joogta surre gaar ahaan gudigi loo xilsaaray diyaarinta urur dhalinyarada guud ahaan ku mideysan tahay ayaa ku bilawday jawi farxadeed waxaa shirka furay xiriiriyana ka ahaa Nasteexo Maxamuud waxayna dadki shirka dhageysanayay u sheegtay Ajandhaha shirka iyo qodobada laga doodi doono oo kala ahaa sidan
1.warbixin in laga dhageysto gudigi loo igmaday in ay ka soo shaqeyaan Ururka naqshadisa iyo magaciisaba
2.warbixin in laga dhageysto gudigi loo igmaday in ay ka soo shaqeyaan Proffile iyo qorshayaasha ururka
marka qodobaadaas la shaaciyay ayaa Mic Waxaa lagu soo dhaweyay Hani Abdullaahi Abukar si ay uga warbixiso wixii u qabsoomay mudadi lakala maqnaa
Hani oo iyadu madax u ahayd gudigi diyaarinta proffileka ururka ayaa ka shekeysay waxyabaha u qabsoomay iyo waxa u harsanba waxa ayna ku nuuxnuuxsatay in weli ay faraha kula jiraan diyaarinta proffile tayo leh iyadoona ka cudur daaratay waqtiga loo qabtay inaysan waxba ku soo dhameyn,
sidoo kale waxaa isla gudigaas u hadlay Hussein Xaji Ciise wuxuna sheegay in ay dadaal badan sameyeen welina ay wadaan hasa yesheebuu yari ay adkaatay in aan si dhaqsi ah ku dhameystirno howshi aad noo xilsaarteen Xusseen wuxuu sheegay in shaqada ay u hayaan Bulsha weynta surre aaney marnaba ka daali doonin si mutadawacnima ahna ay ugu shaqeyn doonaan walaalahooda,
sidoo kale waxaa isna hadal kooban jeediyay Maxamud Yusuf dhoore oo madax u ahaa gudigi loo xilsaaray in ay sameyaan astaan iyo magac u gaar ah ururka Maxamuud wuxuu isna sidoo kale ka shekeyay sidi ay uwada shaqeyeen dhalinyaradi kale ee howsha la waday wuxuuna amaan u soo jediyay xubnaha shaqada la waday sidoo kale wuxuu u mahad celiyay Cabdirisaaq osman hasan (AkilE) oo isagu ka caawiyay sameynta naqshada ururka wuxuuna dadki dhageysanayay usoo bandhigay laba magac oo ay u arkeen in ay muhiim tahay in lagu shaqeyo iyo naqashadi ururka uu yelan lahaa,
1.Asal Youth Union
2.Surre Youth Netwerk
wuxuuna sheegay in shaqadi ay iyagu hayeen ay soo idlaatay waxa ay sugaana ay tahay in xubnaha gudiga ay go'aan ka gaaraan labadaa magac midki lagu shaqeyn lahaa
marki gudigii warbixintoodi la dhageystay ayaa waxaa mic lagu so dhaweyay dadweynihi kale ee martida ahaa si ay fikradoda ugaga dhiibtaan howshan ay isu xilqaameen dhalinyarada Qurba joogta waxaa khubad gubaabo u badneyd jeediyay DR.Xussein Maxamed Ibraahim wuxuuna kula dar daarmay dhalinyaradi kulankan so qaban qabisay inay daacadnimo iyo walaalnimo kuwada shaqeyaan iskana ilaaliyaan in ururkoodu uu ku lug yesho arin siyaasadeed Alla hortiina ay u qabtaan wax walba oo ay sameynayaa,
waxaa iyadna shirkan qudbad aad u quruxbadan ka jedisay Nasteexo MUxamuud oo kulanka paltalk ka dhacay gabdhihi qaban qaabiyay ka mid ahayd xiriiriyana u ahayd shirka Nasteexo waxa ay u mahad celisay wiilasha iyo gabdhaha u istaagay sidii loo mideyn lahaa beelweynta surre guud ahaan waxayna balan qaaday in ay la shaqeyn doonto ururka
sido kale nasteexo waxa ay fariin u dirtay gabdhaha kale ee aan shirkan ka soo qaybgalin waxayna kula talisay in ay inbadan walaalahoda gudaha ku nool caawiyaan dahabkooda u gadaan sidi ay u badbaadiyaan Carruurta mustaqbalka,
waxaa sidoo kale shirkan isna qudbad taarikhiya ka jeediyay Mohamed Osman Hasan (alta Moha) wuxuuna baraarujiyay dhalinyarada kale in ay la shaqeyaan Kana qayb qaataan dhismaha ururkan ay hada gacanta kula jiraan Mohamed wuxuu soo qaaatay taarikhda dalweynaha CHINA oo uu shegay in horimarka maanta uu garay usan gaareen hadi aanu u istaagin dhalinyaradisa
surre maanta dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaanba wuu hooseeyaa hadi aanan inagu isu xilqaamin horimarinta bulshadeena ma jirto cidkale oo wax inala qabaneyso wuxuu inbadan ka digay in khilaaf beesha ah la abuuro waxaan leenahay dhul balaaran oo weliba khayraad leh hadana waxaa jiro tafaraaruq aad u badan oo bulshadeena dhexdeeda ah wuxuu dadki dhageysanayay weydii miyey haboontahay inago kala daadsan in aan iskhilaafno wuxuuna ku soo gabagabeyay codsi uu u diray dhamaan aqoonyahanka waxgaradka ugaasyada iyo cidkasta oo daneyneysa arimaha beesha surre in ay kaalin mugleh ka cayaaraan sidi looga mira dhalin lahaa howshan,
waxaa kaloo isagu Call confrence ahaan shirka qudbad kaga jeediyay Dr,Said Mohamed wuxuuna balan qaaday in uu ururka si mutadawacnima ah uu ula shaqeyn doono degaanka surrena uu ka hirgalin doono mashaaric badan oo xaga cafimadka ah

sidoo kale waxaa iyadna hadalo kooban ka jeedisay shirkan Caasha Abdulaahi oo iyadu ka mid ah gabdhaha u istaagay sidi loo mideyn lahaa dhalinyarada qurbaha ku nool ee surre waxa ay sheegtay caawa dareenkeedu in uu aad u kacsan yahay farxadna ay u tahay in ay aragto dhalinnyaro u taagan badbaadinta iyo isu keenida dhalinyarada surre isma lahayn intaa oo qofbaad hal meel kulan wada hadal la qaadan doontaa weliba isku aragti ka noqon doontaan midnimda dhalinyarada beesha surre, Caasha waxa ay u mahadcelisay dhamaan dadki ka soo qayb galay shirkan waxaa kalo ay kulanka ka sheegtay inay jiraan shaqsiyaad har iyo habeen u taagan inay nala shaqeyaan laakinse uusan codkeenu gaarin caawa fursadan anigo ka faa'ideysanay waxaan codsanayaa in dhalinyarada kale ee aan shirarkeena iman noo yimaadeen fikirkina iyo caqligina saliimka ah waan u bahanahay ayay ku soo gabgabeysay caasha
iyadoo ay badnaayeen dadki shirka ka hadlay ayaa ugu danbeyn waxa MIC lagu soo dhaweyay Mohamed Nadir oo isagu madax u ahaa Gudigi isu taagay badbaadinta iyo isku keenida dhalinyarada SUrre Nadir wuxuu ugu horeyn u mahad celiyay dhalin yaradi suurta galisay in aan caawa kulano guud ahaan gaar ahaan Nasteexo Muxumed iyo Saciid Ahmed, intaas kadib wuxuu warbixin dheer siiyay dadki dhageysanayay wuxuu ugu bishaareyay in dhawaan ay arki doonaan isbadal xag walba ah wuxu balan qaaday in ururkoda marka uu soo dhameystirmo uu waxbadan ka qaban doono baahiyaha gudaha ka jiro isagoona u balan qaaday dhalinyarada surre ee gudaha ku nool ay ka caawin doonaan xaga waxbarashada xaruma badan oo waxbarashana ay ka sameyn donaan degaanada beesha sidoo kale Nadiir wuxuu sheegay in ay qorshaha ugu jirto sidi ay u dhisi lahayeen dhowr cusbitaal oo caawiya bulshadeena dhibaateysan, anagu waxaan nahay dhalinyaro qurbaha ku nool oo isu taagay in ay wax u qabtaan dadkooda dhibaateysan iskuna kenaan dhalinyaradooda hadafkeenuna waa uun in aan mideyno dhalinyarada Beesha Surre anigoo ku hadlaya magaca gudiga qurba joogta dhalinyarada surre ee jecel wanaaga iyo horimarka waxaan idinka codsaneynaa in aad nala soo xariirtaan wixii khibrad ahna aad nagu kordhisaan dhaliisha an leenahyna noo sheegtaa si aan wax u saxno waxaan kaloon hubaa hadi aan isun geeno xoogeena in aan waxbadan qaban karno midnimada waa tan kaliya ee meel lagu gaaro ayuu yiri gudoomiye Nadir
sidoo kale wuxuu shegay in ay la soo xariireen jaaliyada surre Ee YEMEN ku nool una sheegeen in ay ku faraxsan yihiin midnimada Besha Surre Wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay gudoomiyaha jaaliyada Surre ee wadanka YEMEN AbdiQani Cisman,

ugu danbeyn waxaa la isku raacay in shirarka noocan ah la joogteeyo waqti ku filana lasiiyo gudiga loo xilsaaray in ay ka shaqeyaan soo dhisaan urur mideeya beesha isago sidoo kale ugu baaqay in ay sabar iyo dulqaad la yimadaan gudiga uu madaxda u yahay amaan ayuuna u soo jeediyay dhamaan xubnaha ururka
shirkan oo ahaa mid aad u soo jiitay dadki ka soo qayb galay ayaa ku soo dhamaaday jawi farxadeed waxana lagu balamay in 5 march kulan kan ka balaran la iskugu yimaado si loogu dhawaaqo natiijadi ka soo baxday waxqabadki iyo shirarki isdaba jooga ahaa ee dhalinyarada surre ee qurbaha ku nool